Wararka

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka oo daahfuray xafiiska isku dubba ridka qorshaha axootiga iyo barakacayaasha.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa maanta furay xafiiska isku dubba ridka qorshaha xalka waara ee qaxootiga iyo barakacayaasha.

Wasiirka wasaaradda Qorsheynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha, Jamaal Maxamed Xasan ayaa ka war bixiyay u jeedada loo furayo xafiiska, waxaana munaasabadda furitaanka goob joog ka ahaa wasiirrada gargaarka, arrimaha gudaha, waxbarashada, howlaha guud, iyo haweenka iyo guddoomiyaha guddiga qaran ee qaxootiga iyo barakacayaasha.

Waxaa dhankooda kulanka ka hadlay Deeq bixiyaasha iyo saaxiibada caalamka ee dowladda Soomaaliya waxaa ayna amaaneen qorshayaasha dowladda ee xal u helidda iyo maareynta barakacayaasha.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay in a muhiim tahay in si wadajir ah looga shaqeeyo xal u helidda barakacayaasha, si ay u helaan nolosha ay u baahanyihiin ayna uga qayb qaataan hagaajinta mustaqbalka dalka.

   

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close