Wararka

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo dib ugu soo laabtay Muqdisho.

Ra’iisul-Wasaaraha Soomaaliya , Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta dib  ugu soo laabtay Muqdisho, kadib  horraantii Todobaadkan  oo aay socdaal shaqo ku tageen Magaalada Kismaayo.

Kheyre iyo wafdigiisa ayaa intii ay ku sugnaayeen  Kismaayo waxay kulammo kala duwan la  qaateen mas’uuliyiinta ugu sarreeysa maamulka Jubbaland, Saraakiisha Ciidamada, Duubabka dhaqanka iyo Bulshada qeybaheeda kala duwan.

Kulammadii dhex maray Labada dhinac ayaa lagu soo dhammeeyay mad-madoowgii iyo kala aragti duwanaanshihii ka dhex jiray madaxda Dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo maamul goboleedka Jubbaland, socdaalkaas oo kusoo dhammaaday guul iyo is Af-garad.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Wafdigiisa ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho kusoo dhoweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close