Wararka

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo U Tacsiyeeyay Dadkii Soomaaliyeed Ee Ku dhintay Weerarkii Maanta.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda soomaaliya xasan cali kheyre ayaa ka tacsiyadeeyay dadkii maanta ku geeriyooday qaraxyadii iyo weeraradii ay al-shabaab ku qaadeen xarunta wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada xukuumadda faderaalka Soomaaliya oo ku taalla degmada Shangaani.

Ra’iisul wasaare kheyre ayaa si gaar ah uga tacsiyadeeyay geeridii ku timid wasiir ku xigeenkii wasaaradda shaqada iyo arrimaha xildhibaan Saqar Ibraahim Cabdalla oo ka mid ahaa dadkii ku geeriyooday qaraxyadii ka dhacay magaala muqdisho.

Ra’iisul wasaare xasan cali kheyre waxa uu ballan qaaday in dowlada faderaalka a ay sii wadi doonto dagaalka ay kula jirto al-shabaab.

Waxaa isna dhankiisa ka tacsiyeeyey dadkii ku dhintay weerarkii maanta Guddoonka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale guddoonka ayaa tacsi u diray ehelada, Xukuumadda Soomaaliya, labada golle ee Baarlamaanka iyo dhamaan shacabka Soomaaliyeed geerida ku timid wasiir ku xigeenkii Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha Xildhibaan Saqar Ibraahim Cabdalla.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close