Wararka
Ra’iisul Wasaare Khayre oo u amba-baxay dalka Mareykanka.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u amba-baxay dalka Mareykanka.
Xasan Cali Khayre iyo Wafdigiisa ayaa halkaas waxa ay kaga qeyb-galayaan shir looga hadlayo arrimo badan oo ay kamid yihiin deyn cafinta Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa inta ay Mareykanka joogaan waxa ay kulamo kala duwan la yeelanayaan hay’adaha maaliyadda ee caalamiga ah, saraakiil sare oo ka tirsan dawladda Mareykanka iyo qayba kale oo kamid ah bah-wadaagta Soomaaliya, si loo dardar-geliyo ajandaha qaran ee dub-u-habaynta hay’adaha dawladda.