Wararka

Ra’iisul Wasaare Khayre oo kulan layeshay maamulaha USAID.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo maamulaha USAID, Mark Green, ayaa kulan kuwada yeeshay magaalada Washington ee dalka Mareykanka.

Kulanka ay yesheen  labada mas’uul ayaa waxaa la iskula soo qaaday ballaarinta iyo dardar-gelinta dadaallada lagu horumarinayo waxbarashada, nafaqeynta, caaafimaadka, iyo shaqo abuurka dhallinyarada.

Xasan Cali Khayre ayaa Mark Green u sheegay in Soomaaliya ay garowsan-tahay taageerada lixaaadka leh ee USAID iyo howlaha ay Soomaaliya ka waddo, isla markaasna loo baahan yahay in la sii ballaariyo.

Ra’iisul Wasaare Khayre iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho shaqo ku jooga Washington ayaa kulamo joogta ah la leh deeq bixiyeyaasha caalamiga ah iyo mas’uuliyiin kale oo ka qeyb galayay shirka caalamiga ah ee Guga oo ay ku kulmaan hay’adaha maaliyadda dunida.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close