Wararka

Ra’iisul Wasaare Khayre oo kulan la yeeshay danjiraha cusub ee Midowga Yurub ee Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) Xasan Cali Khayre iyo danjiraha cusub ee Midowga Yurub ee Soomaaliya, Nicolás Berlanga Martinez, ayaa kuln ku yeeshay caasimada Muqdisho waxaa ayna ka arrinsadeen xoojinta xariirka midawga Yurub iyo Soomaaliya iyo dardar gelinta mashaariicda midawga Yurub ay ka fuliyo Soomaaliya.

Safiirka ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahad-celiyay soo dhawaynta ballaaran ee loosameeyay, waxa uuna ballan qaaday in uu ka shaqayn doono dardar gelinta mashaariicda ay dalka ka wadaan iyo xoojinta xariirka laba geesoodka ah.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa dhankiisa  midawga Yurub uga mahad celiyay taageerada ay la garab taaganyihiin shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Dhanka kale Ra’iisul wasaare Xassan Cali Khayre ayaa shir guddoomiyay kulan ay kasoo qayb galeen taliyaha booliska, saraakiil sare oo ka tirsan Booliiska Soomaaliya  iyo Safiirka cusub ee Midawga Yurub kaas oo looga hadlay horumarinta booliiska Soomaaliyeed.

Midawga Yurub ayaa Soomaaliya ka taageera dhinacya badan oo ay kamid tahay tababarrada ciidamada Booliiska si sare loogu qaado awoodda iyo xirfadda sugidda amniga shacabka.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close