Wararka
Ra’iisul Wasaare Khayre oo kormeeray Garoonka kubadda Cagta Mire Awaare.
Ra’iisal wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa kullan mahad celin ah la qaatay Guddiga dhismaha Garoonka kubadda Cagta Mire Awaare kaas oo uu ugu deeqay dhaqaale lacageed oo wax loogu qabanaayo dhiso Garoonka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa guddiga ka dhageystay warbixin ku aadan halka ay marayaan qorshaha iyo dadaallada dhismaha garoonka Mire Awaare ee Magaaladda Garoowe, isagoo tilmaamay ahmiyada garoonku uu u leeyhay dhallinyaradda Soomaaliyeed iyo is-dhexgalka Bulshadda ay hormuudka u yihiin dhallinyaraddu.
Guddoomiyaha Guddiga dhismaha garoonka Mire Awaare, Maxamed Cali Ciise ayaa uga mahadceliyay Ra’iisul Wasaare Khayre tageerada iyo garab istaagga buuxa ee dhismaha garoonka.