Wararka

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Gaalkacyo Kula hadlay shacab aad u badan iyo masuuliyiin.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya  Xasan Cali Khayre ayaa maanta gaaray magaalada Gaalkacyo ee Gobalka Mudug waxaa uuna ka safar dhulka ah ugu soo ambabaxay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug oo dhawaanahaan uu ku sugnaa.

Ra’iisul Wasaaraha waxaa safarkiisa Gaalkacyo ku wehliyaan wasiirro, xildhibaanno, saraakiil ciidan, mas’uuliyiin kale iyo howl-wadeenno badan ayaa si heer sare ah loogu soo dhaweeyay magaalada.

Dadwayne si aad ugu diyaar garoobay soo dhaweynta wafdiga uu Ra’iisul Wasaaruhu hoggaaminayo, xildhibaanno, wasiirro, saraakiil ciidan iyo mas’uuliyiin kale ayaa isugu yimid garoonka garoonka kubadda Cagta Cabdullaahi Ciise halkaas oo Ra’iisul Wasaaruhu uu ka jeediyay khudbad uu uga hadlay socdaakiisa Galmudug ee loogu gogol xaarayo dhismaha Galmudug loo dhanyahay, nabad ah, kana shaqeysa danaha reer Galmudug.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka mahad celiyay soo dhawaynta ballaaran ayaa ammaan u jeediyay dhammaan mas’uuliyiintii waqtiga badan geliyay jiritaanka Galmudug, waxa uuna ka dalbaday bulshada Gaalkacyo in si wadajir ah ay dowrkooda uga qaataan adkeynta iyo dhismaha hay’adaha dowladeed ee Galmudug.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa sidoo kale sheegay in socdaalkiisa Gaalkacyo ay qayb ka tahay horumarinta iyo u dhammaystiro agabka ka dhiman ciidanka ku sugan magaalada ee ka shaqeeya nabadeynta iyo amniga.

 

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close