Wararka

Ra’iisul Wasaare Khayre oo boooqasha ku tagay  Isbitaalka hooyada iyo dhallaanka Banaadir.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa maanta boooqasha ku tagay  Isbitaalka hooyada iyo dhallaanka Banaadir waxaana kormeerka kadib Wasaaraha uga war bixiyay xaaladda bukaanka Maamulka Istibaalka Banaadi.r

Maamulka Istibaalka Banaadir ayaa sheegay in isbitaalka adeeg caafimaad oo tayo leh lacag la’aanna ah loogu sameeyay 37,000 oo hooyooyin iyo carruur Soomaaliyeed ah oo 24,000 kamid ah ay yihiin carruur, intii u dhexeysay bilihii Feberaayo iyo September ee sannadkaan.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo bogaadiyay sida hufan ee maamulka isbitaalka iyo wasaaradda caafimaadku ay isaga xil saareen howl gelinta iyo horumarinta Isbitaalka, ayaa sheegay in loo baahanyahay in howsha la ballaariyo si dhammaan bulshada Soomaaliyeed ay u helaan adeegga caafimaad ee ay u baahanyihiin.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close