Wararka
Ra’iisul wasaare Khaire oo kormeeray Wasaaradda Maaliyadda iyo Bangiga dhexe.
Ra’iisul wasaaraha xukuumada federaalka Soomaaliya Hassan Ali Khaire ayaa maanta kormeer ku tagay Wasaaradda Maaliyadda iyo Bangiga dhexe waxaa uuna halkaasi kula kulmay masuuliyiinta wasaaradda maaliyadda iyo Bangiga dhexe waxaa ayna kaga war-bixiyeen waxqabadkooda.
Ra’iisul wasaare Hassan Ali Khaire ayaa markii uu tagay xafiisyada Wasaaradda Maaliyadda iyo Bangiga dhexe waxaa uu hal hal u dul istaagay qaybaha kala duwan ee shaqada kasocotay waxaa uuna shaqaalaha kula dar-daarmay in ay sii laba jibaaraan shaqada ay qaranka u hayan.
Hassan Ali Khaire ayaa kormeer sidaan oo kale dhawaan ku tagay Qaar Kamid Ah Xarumaha Wasaaradaha halkaas oo uu warbixin kaga dhagaystay howl-wadeenada shaqada wasaaradahaasi.