Wararka

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo shir la qaatay Safiirada Beesha calamka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa furay shir ay ka qeyb galayaan saaxiibbada Caalamiga ah ee Soomaaliya kaas oo diiradda lagu saarayo arrimaha doorashooyinka dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in ay xukuumada ku howlan tahay xaqiijinta doorasha loo dhanyahay oo xor iyo xalaal ah.

Sidoo kale ra’isal wasaare Rooble ayaa u sheegay saaxiibbada Caalamiga ah ee Soomaaliya in waddada kaliya ee doorasha lagu aadi karo ay tahay dhammaystirka heshiiskii 17-kii Sebtember iyada oo loo marayo heshiiskii farsamada ee Baydhabo.

“Waxaan jeclaan lahaa inaan ugu baaqo UN-ka iyo saaxiibadeena Caalamiga ah inay bilaabaan doodaha ku saabsan taageerida hirgelinta geeddi-socodka doorashooyinka ee xagga saadka, taageerada farsamada iyo dhaqaalaha” ayuu Yiri Ra’isal wasaare Roble.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close