Wararka
Ra’iisul Wasaaraha oo dowlada Turkiga ugu tacsiyayeeyay dadkii ku dhintay dhul-gariir ku dhuftay bariga dalkaasi.
Ra’iisul Wasaaraha xukuumada federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa dowladda Turkiga iyo shacbigeeda uga tacsiyadeeyay dhibaatadii ka dhalatay dhul gariirkii ka dhacay gobalka Elazig ee Bariga Turkiga.
Xasan Cali Khayre oo khadka Taleefoonka kula xiriiray madaxweyne ku-xigeenka Turkiga, Fuat Oktay, ayaa u muujiyay sida dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay uga tiiraayoonayaan dhibaatadii ka dhalatay dhul Gariirka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa u rajeeyay dadka waxyeeladdu kasoo gaatay dhul gariirka in si dhaqsa leh ay ku bogsadaan.