Wararka

Midowga Musharrixiinta Soomaaliya oo mar kale kudhawaaqay bannaanbax dhacaya jicmaha.

Midowga Musharrixiinta Soomaaliya ayaa mar kale kudhawaaqay bannaanbax dhacaya jicmaha soo socda 26-ka Febraayo.

Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta ahna Madaxweynihii hore ee dalka Sheeq Shariif Sheeq Axmed ayaa sheegay in aysan ka tanaasulin mowqifkoodi ku aadanaa in daljirka dahsoon uu ku qabsooma banaanbax nabadeed.

“Waxaan rabnaa inaan cadeyno inaanan ka tanaasulin Mowqifkeeni, Mabdi’ayni iyo xuquuqdaan u taagneen shalay oo aheed in uu suuragalo banaanbax nabadeed oo dadka Soomaaliyeed Fikirkooda ku cabiraan oo ka dhici doona Isla Goobtii La carqaladeeyay ee Daljirka Dahsoon maalinta Jimcaha”. ayuu yiri Sheeq Shariif Sheeq Axmed.

Sheeq Shariif Sheeq Axmed waxaa uu shacabka Soomaaliyeed ka codsaday in ay ka soo qayb galaan dibadbaxaas.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close