Wararka

Ra’iisul Wasaaraha dalka oo kulan la qaatay maamulaha Shirkadda dhisaysa wadada Mugdisho-Afgoye.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa maanta kulan la qaatay maamulaha Shirkadda Enez, Seracettin Aksun, waxaa uuna uga tacsiyeeyay dhibaatooyinkii kasoo gaaray Qaraxii ex-control Afgooye oo lala eegtay qaar kamid ah howl-wadeennadooda intii ay ku guda jireen dhismaha wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.

Seracettin Aksun oo Ra’iisul Wasaaraha uga mahad celiyay garab istaagga joogtada ah, ayaa caddeeyay in taageerada shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ku dhiirri gelineyso inay si buuxda u sii wadaan dhismaha waddada, saameynna aysan ku yeelan weerarada lagula eegto shaqaalahooda.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa dowladda iyo shacabka Turkiga iyo shirkadda Enez, uga mahad celiyay sida hagar la’aanta ah ee hantidooda iyo dhiigooda ay ugu hurayaan horumarinta iyo dadaallada dib-u-kabashada dalka.

Xasan Cali Khaye ayaa maamulaha shirkadda u ballan qaaday in dowladda Soomaaliyeed ay mas’uuliyad buuxda iska saareyso ammaanka howl-wadeenna ka shaqeynaya dhismaha wadada, waxuuna ku dhiirri geliyay inay laba jibaaraan shaqada ay hadda wadaan.  

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close