Wararka

Ra”iisul wasaaraha Dalka oo kormeer ku tagay Xarunta Taliska Qeybta 60aad Ciidanka Xooga Dalka.

Ra”iisul wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Eng Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa si wadajir ah Ukormeerey Xarunta Taliska Qeybta 60aad Ciidanka Xooga Dalka iyo Dugsiga Tawabarka Ciidanka Dowlada UK ee Magaalada Baydhabo.

Ra’isal wasaaraha ayaa shalay Magalada Baydhabo ka dhagax dhigay mashaaric kale duwan sidoo kale daahfuray kuwa kale waxaana la filayaa in ay sii socon doonta howlaga uu u jooga dowlad goboleedka Konfur Galbeed.

Waa safarkii ugu horeeyay ee Ra”iisul wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Eng Maxamed Xuseen Rooble uu ku booqda Baydhabo tan iyo markii loo magacaabay xilkan.Image may contain: 4 people, people standing and suitImage may contain: 5 peopleImage may contain: one or more people and people standing

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close