Wararka
Ra’iisul wasaaraha dalka oo kormeer ku tagay qaar kamid ah xarumaha wasaaradaha.

Ra’iisul wasaaraha xukuumada federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay dhowr wasaaradood oo ay ka mid tahay wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska Soomaaliya.
Kormeerka uu ra’iisal wasaaraha dalka ku tagay wasaaradaha ayaa waxaa uu ugu u kuur galaayay howlaha shaqo ee wasaaradahaasi u hayaan shacabka Soomaaliyeed.
Xasan Cali Khayre, Ra’iisul wasaaraha xukuumada federaalka Soomaaliya ayaa mid mid u dul istaagay shaqaalihii ku jiray howl-maalmeedkooda waxaa ayna warbixin kasiiyeen shaqada ay hayaan isagoo kula dar daarmay in ay laba jibaaran shaqada ay shacabka u hayaan.