Wararka
Ra’iisul Wasaaraha dalka oo ka qayb galay sanad guurada 50aad ee aasaaska ciidanka asluubta Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa oo maanta ka qayb galay munaasabdda xuska sanad guurada 50aad ee aasaaska ciidanka asluubta Soomaaliyeed, ayaa caddeeyay in loo haabanyahay in dib-u-habeyn ballaaran lagu sameeyo hannaanka caddaaladda dalka, si loo helo nidaam dowladeed oo isu dheelli tiran.
Xasan Cali Khayre oo, ayaa sidoo kale sheegay in guulo wax ku ool ah laga gaaray dib-u-habeyntii lagu sameeyay amniga dowlad wanaagga iyo dhaqaalaha, loona baahanyahay in dib-u-habeynta caddaaladda in lagu dadaalo.
Waxuu Ra’iisul Wasaaruhu intaa raaciyay in si cadaalladda loo horumariyo ay muhiim tahay in la iska kaashado ka gudbidda dhammaan caqabadaha, ciidanka qarankuna ay noqdaan albaabka cadaallada laga gelaayo, maadaama bulsha aan cadaalad heysan, ayan heli karin midnimo, kalsooni, horumar, qab-weyne, is-aaminaad iyo dhiirranaan.
RA'IISAL WASAARE KHAYRE OO KA QAYB GALAY 50-SANO GUURADII KASOO WAREEGATAY AAS-AASKII CIIDAMADA ASLUUBTA SOOMAALIYEED.https://youtu.be/eM3j8oC2rBo
Posted by TUSMO TV on Saturday, 22 February 2020