Wararka
Ra’iisul Wasaaraha dalka oo booqasha ugu tagay Ciidama tababar ugu socday Baydhabo.
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa maanta booqasho ugu tegay Aaskar Booliis ah oo tababar uga socdo magalaada Beydhabo.
Askartaan ayaa gaaraayo 415 askari kuwaas oo loo diyaarinayo ka qayb qaadashada sare u qaadidda amniga dalka.
Booqashada waxaa Ra’iisal wasaaraha ku wehlinaayay madaxweynaha dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed, waxaa uuna ciidamada kula dardaarmay in ay ka faa’iideystaan, si ay ugu fududaato u adeegidda bulshada Soomaaliyeed.
Ciidamada uu Ra’iisul Wasaaruhu booqday ayaa marka ay dhameystaan tababarka waxaa loo qeybinayaa qayb ku biirta howl gallada amniga lagu sugayo iyo qayb tababar dheeraad ah la siiyo si ay ugu mid noqdaan ciidamada booliiska gaarka u tababaran.