Wararka
Ra’iisul Wasaaraha dalka oo Bixiyay 317,000 oo Doollar oo dib Loogu Dhisayo Buundada Baardheere.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa maanta bixiyay 317,000 oo doollar oo dib loogu dhisayo buundada degmada Baardheere ee gobalka Gedo, si ay qayb uga qaadato fududeynta isu socodka Bulshada iyo kocobaca dhaqaalaha dalka.
Arrinkaan ayaa yimid kadib markii ay cabasho ka timid bulshda Baardheere oo dhibaata badan ku qabay burburka buundada, Ra’iisal wasaare Khayre ayaana sheegay in madaxda qaranka ay yihiin adeegayaasha bulsahda, lagama maarmaanna ay tahay in baahiyaha bulsada wax looga qabto sida ay u kala muhiimsanyihiin iyo hadba inta ay la ektahay awoodda dowladda.
Qaar kamid ah xildhibaannada labada aqal oo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre kusoo booqday xafiiska, ayaa uga mahad celliyay ka jawaabidda baaqa bulsahda iyo bixinta lacagta dib loogu dhisayo Buundada Baardheere oo muhiim u ah dib-u-kabashada dhaqaalaha dalka, horumarinta ganacsiga, fududeynta isu socodka, amniga iyo deb-qabka dadka iyo gaadiidka safarka ah.