Wararka

Ra’iisul wasaaraha Dalka New Zealand, Jacinda Ardern oo amar ku bixisay in Maanta oo Jimca ah Idaacadaha Maxalliga ee Dalkaasi laga sii daayo Aadaanka.

Waxaa Maanta oo Jimca ah la aasay Dadkii Muslimiinta ahaa ee Todobaad ka hor lagu laayay Laba Masjid oo ku yaalla Magaalada Christchurch ee Dalka New Zealand.

Salaadda Jinaazada oo ka dhacday Masjidka Al-Nuur oo  ka mid ah goobihii lagu xasuuqay 50-ka Muslimiinta ahaa, ayaa waxaa ka qeyb galay Dad ku dhow 20,000 Qof oo isaga kala yimid daafaha Caalamka.

Sidoo kale aaska iyo ducada loo sameeyay Dadkaasi ayaa waxaa ka qeyb gashay Madax ay ugu horreeyso Ra’iisul wasaaraha Dalkaasi , Jacinda Ardern, iyadoo Muddo Laba Daqiiqo ah loo aamusay  Dadkii halkaasi ku geeriyooday.

Ra’iisul wasaaraha Dalka New Zealand, ayaa mar kale ku celisay in Maanta oo Jimca ah Idaacadaha Maxalliga ee Dalkaasi laga sii daayo Aadaanka, si Muslimiinta loogu muujiyo Garab istaag, isla markaana ay Dowladda iyo Shacabku ugu soo horjeedaan falkii ka dhacay Magaalada Christchurch.

Dinaca kale, waxaa Maanta markii ugu horreysay Salaadda Jimacaha lagu tukaday Labadii Masjid ee ay Todobaad ka hor mashaqu ka dhacday ee Lnwood iyo Al-Nuur, halkaasoo loogu duceeyay 50-kii Qof ee halkaasi ku shahiidday.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close