Wararka
Ra’iisal wasaare Theresa May iyo madaxweyne Putin oo kulan gaar ah qaatay.
Ra’iisal wasaaraha Boqortooyada Ingiriiska Theresa May ayaa kulan gaar ha la qaadatay madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin intii lagu guda jiray shirka magaalada Osaka ugu socda dalalka qaniga ee G-20.
Theresa May ayaa ka hor shirka ay la qaadatay madaxweyne Putin sheegtay in aysan waxba iska badali doonin xeriirkooda ganacsi iyadoo ay waliba jirta in Ruushka lagu eedeeyay in uu ka danbeeyay dilkii loo adegsaday sun kimikaal ah oo lagu sumeeyay Nin horey u ahaan jirey basaas labo kaarle ah oo u shaqayn jirey sirdoonka Ruushka, laguna eedeeyay in uu la shaqaynayay Ingiriiska.
Sidoo kale suntan waxaa ay saaqday gabadh uu dhalay Sergei Skripal oo layirahdo Yulia xili ay ku sugnaayeen magaalo yar oo layirahdo Salisbury oo ku taalo boqortooyada Ingiriiska.
Kulanka maanta ay yeesheen labadaan masuul ayaa imaanaayo xili uu madaxweyne Putin, isagoo waraysi siinaayo majaladda Financial Times “ku tilmaamay aragtida dimoqoraadiyada iyo suuqyada xorta ah ee reer galbeedka in ay tahay mid uu waqtigeeda dhacay, xiligeedana dhamaada”.
Theresa oo arrinkaa ka jawaabtay ayaa sheegtay in dimoqoraadiyada iyo suuqyada xorta ah ee reer galbeedka yihiin kuwa horumara sameeyay laguna liibaanay.