Wararka
Ra’iisal wasaare Roble oo kormeer ku tagay Garonka Adan Cadde.

Ra’iisal wasaaraha xukuumada federaalka Soomaaliya Maxamed Xussen Roble ayaa manta kormeer ku tagay garoonka diyaaradaha ee aadan Cabdulle.
Ra’iisal wasaaraha ayaa intii uu kormeerka waday waxaa uu booqday qaybaha kala duwan ee garoonka isagoo dul istaagay shaqada ay howladeenada garoonka Adan cabdulle u hayaan shacabka Soomaaliyeed.
Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar oo kamid ahaa wafdiga ra’isal wasaaraha ayaa sharaxaad ka siiyay ra’isal wasaaraha sida ay shaqada u socota.