Wararka
Ra’iisal wasaare ku xigeenka dalka oo kulan la qaatay madaxweynaha mu’assasada gargaarka waxbarashada.
Ra’iisal wasaare ku xigeenka xukuumada federaalka Soomaaliya oo kusugan dalka Jabuuti ayaa caasimada Djabuuti kula kulmay madaxweynaha mu’assasada gargaarka waxbarashada, Sheikh Mansour Bin Mousallam, waxaa ayna ka wada hadleen arimo dhoor ah oo la xiriira kor u qaadista tayada waxbarashada Soomaaliya.
Mahdi Maxamed Guuleed (khadar) RW.Ku xigeenka Qaranka ayaa Yiri” “Waxaan magaalada Djibouti ee dowladda aan walaalaha nahay ee Jabouti kula kulmay madaxweynaha mu’assasada gargaarka waxbarashada, “Sheikh Mansour Bin Mousallam, waxaan ka wada hadalnay dowrka waxbrashada iyo horumarka Bulshada. “Sheikh Mansour ayaa soo dhaweeyay dadaalka dowladda Soomaaliya ee horumarinta waxbarashada”.
Rw.ku xigeenka Dalka iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa dalka Jabouti kaga qayb galay furitaanka Madasha sedaxaad ee waxbarashada loo dhanyahay.