Wararka
Ra’iisal wasaare Kheyre oo shir gudoominayay Shirka todobaadlaha Ee hormarinta Dowladda Hoose.
Shirka todobaadlaha Ee hormarinta Dowladda Hoose ayaa Maanta Waxaa looga hadlay Dardar galinta Amniga Magaalada Muqdisho.
Ra’isul Wasaraha xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta shir gudoominayay Shirka todobaadlaha Ee hormarinta Dowladda Hoose.
Shirkaan ayaa waxaa looga hadlay Dardar galinta Amniga Magaalada Muqdisho iyo sidii amaanka caasimada looga yeelilahaa mid lamid ah caasimadaha kale ee addunka.
Kullanka maanta waxaa goobjoog ka ahaa Gudomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Caasimadda Muqdisho, Gudoomiye ku xigeenada Maamulka Gobolka Banaadir, Xog hayaha Guud Ee Gobolka Banaadir, Gudomiyasha Degmoyinka iyo Agaasimayasha Dowladda Hoose.