Wararka

Ra’iisal wasaare Khayre oo tababar u furay ciidamadii dhawaan laga qarameeyay deeganada Galmudug.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta tababar u furay ciidamadii dhawaan laga qarameeyay deegaannada Galmudug ee loo diiwaan geliyay in ay ku biiraan ciidanka xoogga dalka.

Xasan Cali Khayre ayaa ka hadlay munaasabadda furitaanka tababarka ayaa ciidamada kula dardaarmay in ay tababarka uga faa’iideystaan hannaanka ugu habboon si ay awood buuxda ugu yeeshaan in dalka iyo dadka Soomaaliyeed ay u difaacaan.

Ra’iisal wasaraha dalka  ayaa sidoo kale shacabka Galmudug iyo dhammaan mas’uuliyiintooda uga mahadceliyay dowrka ay ka qaateen fududaynta qarameynta ciidanka, waxa uuna ciidanka iyo saraakiisha faray kadib tababarkoda in ay dalka iyo dadka Soomaaliyeed si wadajir ah ugu shaqeeyaan ayna ka qayb qaataan soo celinta sharafta iyo karaamada ummadda Soomaaliyeed.

Munaasabadda furitaanka tababarrada ciidamada ay dhawaan qarameysay dowladdu waxaa goob joog ka ahaa xubna ka tirsan golaha wasiirrada, madaxa fulinta Galmudug, wakiillada Qarmada Midoobay, Midawga Afrika iyo IGAD, iyo safiirada Midawga Yurub, Qatar, Turky, Ethiopia, Talyaaniga, Norway iyo Kenya.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close