Wararka

Ra’iisal wasaare Khayre oo markale tagay deegaanada Huurshe iyo xeraale.

Ra’iisal wasaaraha Xukuumada federaalka Soomaaliya Xassan Cali Khayre ayaa maanta markale dib u ugu laabtay deegaanka Huurshe iyo xeraale oo uu horay u tagay markii uu socdaalka nabada ku maraayay deeganada Galmudug .

Ra’iisal wasaaraha oo ugu horeyn tagay deegaanka Huurshe ayaa ugu sii gudbay magaalada Xeraale si uu u hubiyo Dhaqangalka heshiiskii ay wada gaareen shacabka Huurshe iyo Xeraal.

Xassan Cali Khayre, Ra’iisal wasaaraha Xukuumada federaalka Soomaaliya ayaa deegaanka Huurshe ka soo ka xeeyay qoysas-kii Colaada uga barakacay Magaaladda Xeraale , waxana soo dhaweyn Wanaagsan iyo Hilow umuujiyey shacabka ku nool deegaanka xeraale.

Shacab aad u tira badan oo isugu jiray Odayaal, haween iyo Caruur oo sitay boorar ay ku xardhanyihiin sawirada Ra’isal wasaare khayre iyo eraya ka turjumaayay sida ay u door bidayaan nabada kuwaas oo qaar kood u qornaa sida tan ”COLAAD DANBE MAYA NABAD HAA” iyo “HILBA WADA DHASHIYO HEYB QUREYNU NAHAY” ayaa ra’iisal wasaaraha kusoo dhaweeyay magaalada xeraale.Image may contain: 9 people, people standing, shoes and outdoorImage may contain: 2 people, people standing and textImage may contain: 8 people, people smiling, people standingImage may contain: 4 people, people smiling, beard and outdoorImage may contain: 20 people, people smiling, outdoor

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close