Wararka

Ra’iisal wasaare Khayre oo kulan la qaatay Sheikh Abdullah bin Nasser bin Khalifa Al Thani.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Dooxa kula kulmay dhiggiisa dowladda Qatar, Sheikh Abdullah bin Nasser bin Khalifa Al Thani.

Labada Ra’iisul Wasaare ayaa ka wada hadalay xoojinta xiriirka labada dal ee walaalaha ah iyo iskaashiga laba geesoodka ah.

Ra’iisul wasaaraha Qatar, ahna wasiirka arrimaha gudaha, oo bogaadiyay guulaha dowladda Soomaaliya ay ka gaartay dib-u-habeynta, ayaa sheegay in dowladda Qatar ay ka go’antahay adkayna xariirka soo jireenka ah ee labada dawladood.

Kulanka uu Ra’iisul Wasaare Khayre la qaatay dhiggiisa Qatar ayaa qayb ka ah kulamo doceedyada uu la qaadanayo qaar kamid ah madaxda ka qayb geleysa madasha Dooxa.

Xasan Cali Khayre oo maanta ka qayb galay furitaanka Madasha 19aad ee Dooxa ayaa maalinta berri ah khudbad ka jeedinaya madasha Dooxa oo sannadkaan looga hadlayo ajandayaal muhiim ah.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close