Wararka

Ra’iisal wasaare Khayre oo kulan la qaatay Masuuliyiin ka kala socotay qaybaha kala duwan ee Xafiisyada Qaramada Midoobe.

Ra’iisal wasaaraha xukumada federaalka Soomaaliya Xassan Cali Khayre ayaa kulan looga hadlaayo arrimaha fatahaadaha Soo lab laabtay ee Baladweyne iyo qorsha lagu maareynaayo Saamaynta ka dhalata fatahaadaha iyo abaaraha la yeeshay Madax ka socotay Xafiisyada Qaramada Midoobe ee Soomaaliya iyo Qaar kamid ah golahiisa wasiirada.

Kulanka oo ku qabsoomay dhanka Habka Casriga ah ee fogaan araga (online) ayaa waxaa lagu go’aamiyay in lahelo xal lagu yareeyo dhibaatada fatahaadaha & abaaraha sidoo kalena la sameeyo qorshe lagu maareynayo biyaha, lana dar dargaliyo gurmashada dadka ka barakacay fatahaadaha Beledweyne & tuulooyinka hoos taga Jowhar.

Dhawaan ayaa roobab ka da’ay Gobolada dalka waxaa ay sababeen qasaaro isugu jiro naf iyo maal inkastoo gobolka Hiiran uu u sii dheryahay fatahaada wabiga Shabeelle uu ku sameeyo sanad kasto.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close