Wararka
Ra’iisal wasaare Khayre oo kulan la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Mareykanka ee xafiiska arrimaha Arimaha Afrika.

Ra’iisal wasaaraha xukuumada federaalka Soomaaliya Xassan Cali Khayre oo kusugan dalka Maraykanka oo uu ugu qayb galay shirka sanad laha ah ee Bangiga Adduunka iyo hay’adda lacagaha adduunka ee IMF-ta ayaa kulan la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Mareykanka ee xafiiska arrimaha Arimaha Afrika, Tibor Nagy.
Ra’iisal wasaare Khayre ayaa sheegay in kulanka isaga iyo Kaaliyaha Xoghayaha Mareykanka ee xafiiska arrimaha Arimaha Afrika ay kaga wada hadleen sidii kor loogu qaadi lahaa xeriirka dowladaha Soomaaliya iyo Maraykanka iyo sidii dib-u-habayn ballaaran oo heer qaran ah loo samayn lahaa.
Xassan Cali Khayre Ra’iisal wasaaraha xukuumada federaalka Soomaaliya ayaa Magaalada Washington kula kulmay madax ka tirsan Bangiga adduunka iyo hay’adda lacagaha adduunka ee IMF-ta waxaa uuna kala hadlay sidii Soomaaliya looga cafin lahaa deynta tirade badan ee lagu leeyahay si dalka uu u helo maalgashi. .