Wararka
Ra’iisal wasaare Khayre oo kormeer kutagay Xarunta Tiyaatarka Qaranka.
Xassan Cali Khayre, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kormeer ku tagay Xarunta Tiyaatarka Qaranka, oo ay kasocota shaqa aad u weyn taas oo hadda dhismaheedu maraayo meel gaba gaba ah.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kormeerka ku tagay dhamaan qeybaha kala duwan ee Tiyaatarka waxaa uuna halkaasi kula kulmay shaqaalihii ku howlanaa shaqada dhismaha Tiyaatarka.
Kormeerka Ra’iisal wasaare Khayre waxaa ku wehlinaayay masuulyiin katirsan Wasaaradda Warfaafinta, waxaa uuna shaqaalaha kula dar daarmay in ay sii laba jibaaraan shada ay hadda wadaan.
.