Wararka

Ra’iisal wasaare Khayre oo Baydhabo si heer saro ah loogu soo dhaweeyay.

Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayrem iyo Wafdigan uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka  Koonfur Galbeed waxaana garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo kusoo dhaweeyay mas’uuliyiinta Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed,maamulada gobolka,kan degmada Baydhabo,odayaasha Dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Ra’iisal wasaaraha ayaa inta uu baydhabo ku sugun yahay waxaa uu kulamo la qaadan  doonaan madaxda Koonfur Galbeed iyo bulshada deegaanadaasi, iyadoo magaalada lagu arkaayay Boorar ku xardhan sawirka ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre kuwaas oo lagu dhajiyay waddooyinka iyo meelo badan oo kamid ah magaalada.

Raiisul wasaaraha Soomaaliya ayaa muddooyinkan wuxuu ku sugnaa deegaanada Galmudug,halkaasi oo uu ka waday dadaalo dib u heshiisiineed,wuxaana uu halkaas kasoo furay Shirka dib u Heshiisiinta galmudug kaas oo ay ka qeybgalayaan ergooyin  badan oo reer galmudug ah, Sidoo kale wuxuu booqday magaalooyin dhowr ah oo ka tirsan Galmudug.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close