Wararka
Ra’iisal wasaare Khare oo gaaray Magaalada Dhuusamareeb.
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa loogu soo dhaweeyay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad gobaleedka Gal-mudug.
Ra’iisal wasaaraha waxaa garoonka Diyaaradaha Ugaas Nuur ee magaalada Dhuusamareeb kusoo dhaweeyay wasiirka arrimaha gudaha XFS, Madaxa Xukuumadda Gal-mudug, wasiirro, xildhibaanno iyo qaybaha bulshada.
Wafdiga Ra’iisal wasaaraha ku wehlinaayo safarka shaqo waxaa kamida; wasiirrada amniga gudaha, Boostada iyo kalluumaysiga waxaana inta uu jooga magaalada Dhuusamareeb kulamo la qaadandoonaa bulshada qaybaheeda kala duwan.