Wararka

Ra’iisal wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya kulan laqaatay madaxa xukuumadda Gal-mudug.

Ra’iisal wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa maanta hoyga uu ka deganyahay magaalada Dhuusamareeb ku qaabilay madaxa xukuumadda Gal-mudug, Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan iyo hoggaamiyaha Ahlusunna, Macalim Maxamuud Sheekh Xasan.

Xasan Cali Khayre Ra’iisul Wasaare Xukuumada Soomaaliya ayaa shalay gaaray Magaalada Dhuusamareeb isagoo halkaasi xalay waqti kula qaatay qaar kamida bulshada ku dhaqan deegaankaas iyo dhalinyarada kasoo jeeda Magaalada Dhuusamareeb.

Ra’iisal wasaaraha waxaa safarka shaqa ee uu ku jooga deeganada Kalmudug ku wehlinaayo qaar kamida Golahiisa wasiirada oo ay kamidka yihiin Arrimaha Gudaha, Amniga, Boostada iyo Isgaarsiinta iyo Xildhibaano ka soo jeeda deegaanka.

Ra’iisal wasaaraha ayaa Galmudug u tagay sidii uu xal ugu gaari lahaa khilaaf soo socday in mudda ah kaas oo u dhaxeeyo madaxda galmudug iyo Xukuumada Federaalka.Image may contain: 3 people, people sitting, table and indoorImage may contain: 10 people, people smiling, people standingImage may contain: 3 people, people standing and suit

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close