Wararka

Ra’iisal wasaaraha dalka oo Magacaabay Guddiga Qaban-qaabada Xuska Maalmaha Xorriyadda

Iaydoo ay nagu soo food leedahay xuska maalmaha xorriyadda ee 26-ka Juun iyo 1-da July sanadguuradii 59,aad ee ka soo wareegatay xiligii ay soomaaliya ka xuroowday guumaystaha ayaa Ra’iisal wasaaraha dalka Xassan cali Khayre waxaa uu magacaabay guddiga qaban qaabada munaasabadda xuska todobaadka xoriyadda Soomaaliya.

Guddigan uu magacaabay ra’iisal wasaare Khayre ayaa waxaa ay ka shaqeeyn doonaan qaban qaabada,sanadguuradii 59,aad ee ka soo wareegatay xiligii ay soomaaliya ka xuroowday guumaystaha oo ay noqotay wadan madaxbanaan.

Guddigaan ayaa ka kooban 8 xubnod waxa ayna shaqadoodu tahay in ay qaban qaabiyaan xuska maalmaha xorriyadda ee 26-ka Juun iyo 1-da July, in ay si siman u xiriiriyaan hay’adaha shaqada ku leh maalmaha xorriyadda iyo midnimada, in ay jaan gooyaan qarashaadka ku baxaya xuska, in ay magacaabaan guddi hoosaadyada farsamo ee xuska iyo in ay kormeeraan hannaanka ay u socdaan howlaha guddi hoosaadka farsamo ee abaabulka munaasabadaha Qaran.

Guddigaan ayaa waxaa guddoomiya looga dhigay Wasiirka Warfaafinta Xukuumada Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Hoos ka akhriso magacyada  xubnaha guddigan oo dhamaystiran.

1: Maxamed Cabdi Xayir Maareeye,Wasiirka Warfaafinta Guddoomiye.

2: C/raxmaan ducaale Beyle Wasiirka Maaliyadda Xubin

3: Xasan Cali Maxamed,Wasiirka Gaashaandhigga xubin.

4: Maxamed Abuukar Islow Ducaale Wasiirka Amniga Gudaha Xubin.

5: Khadiijo Maxamed Diiriye Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha xubin.

6: Deeqa Yaasiin Xaji Yuusuf wasiirka haweenka iyo xuquuqulinsaanka xubin.

7: Dadiiq Xirsi Warfaa Wasiirka Shaqada iyo Shaqalaaha xubin.

8:  Bashiir Axmed Cusmaan Agaasimaha golaha Wasiirrada iyo Xariirka Baarlamaanka Xubin

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close