Wararka
Ra’iisal wasaaraha dalka oo kulan la qaatay madaxweynaha Bangiga Horumarinta Islamka.

Ra’iisal wasaaraha xukuumada federaalka Soomaaliya Xassan Cali Khayre oo kusugan magaalada Paris ee caasimada Dalka Faransiiska ayaa kulan doceed la yeeshay madaxweynaha Bangiga Horumarinta Islamka Dr. Bandar Hajjar.
Ra’iisal wasaare Khayre ayaa madaxweynaha kala hadlay dib u habeynta dhaqaalaha iyo kor u qaadista dhaqaalaha Soomaaliya iyo arrimaha kale oo muhiim ah.
Xassan Cali Khayre, Ra’iisal wasaaraha xukuumada federaalka Soomaaliya ayaa horay kulamo muhiim ah lasoo qaatay qaar kamid ah madaxdii ka soo qayb gashay shirka Nabada Paris.