Wararka
Ra’iisal wasaaraha dalka oo kulan la qaatay Amirka dalka Qatar.
Ra’iisal wasaaraha xukuumada federaalka Soomaaliya oo safar shaqo u jooga dalka Qatar ayaa kulan la qaatay Amirka dalkaasi Qatar Sheeq Tamim Bin Hamad Waxaa uuna amiirka ugu warbixiyay waxyaabihii u qabsoomay xukuumadiisa seddexdii sano ee lasoo dhaafay.
Ra’iisal wasaaraha ayaa sidoo kale amiirka la wadaagay sida ay u badaleen aragtidii hore ee laga qabay Soomaaliya dunida inteeda kale waxaa uuna sheegay in ay dhanka diblumasiyada ay hormar wacan ka sameeyeen.
Dowlada Qatar ayaa kamid ah dowladaha saaxibka dhaw la ah dowlada federaalka waxaa ayna dalka kawadaa mashaaric horumarineed oo lagu dhisaayo waddooyin aad u muhiim ah.