Wararka
Ra’iisal wasaaraha dalka oo dhagax dhigay dhismaha cusub ee lagu kordhinayo faraca Jaamacadda umadda Soomaaliyeed qayteeda ee Caabuudwaaq.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa maanta dhagax dhigay dhismaha cusub ee lagu kordhinayo faraca Jaamacadda umadda Soomaaliyeed qayteeda ee Caabuudwaaq kaas oo ay bulshada deegaanku ay is-xilqaan ku dhisanayaan.
Dhismahaan cusub ee ay Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed qaybteeda Caabuudwaaq ayaa ka kooban sedax dabaq oo leh 36 fasal, Maktabad iyo hool shirarka lagu qabto.
Ra’iisul Wasaaraaha oo ay wehliyeen xildhibaanno ka tirsan labad gole ayaa reer Caabuudwaaq ku ammaanay dadaalka ay ku dhisamayaan Jaamacadda ummadda si ay uga qayb qaataan horumarinta waxbarashada sare ee dalka.
Xasan Cali Khayre, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale Bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay in ay gacan ka geystaan dhismaha Jaamacadda si ay awood ugu yeelato daboolidda baahida waxbarashada sare, ayna u soo saarto aqoonyahanno ka shaqeeya horumarinta mustaqbalka ummadda Soomaaliyeed.
Ra’iisal wasaaraha ayaa ugu danbeyn ballan qaaday in dowladdu ay gacan weyn ka geysaneyso dhammeystirka dhismaha Jaamacadda qeybteeda Caadbuudwaaq oo ah qaybta kaliya ee Jaamcaddu ku leedahay meel bannaanka ka ah caasimadda dalka.