Wararka

Ra’iisal wasaaraha dalka oo amray guddiga dhamaytirka barnaamijka deyn cafinta in ay shaqadooda laba jibaaraan.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay guddi loo xil-saaray dhamaytirka barnaamijka deyn cafinta dalka oo maraya wajigiisii afaraad (SMP4).

Shirka ayaa waxaa looga hadlay dardar-gelinta dadaallada loogu jiro cafinta daynta lagu leeyahay Soomaaliya iyadoo ay guddigana ay Ra’iisal wasaaraha u soo bandhigeen tallaabooyinka ay qaadeen, natiijooyinkii kasoo baxay kulamadii ay yeesheen guddigu iyo qorshahooda.

Xasan Cali Khayre Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Soomaliya  ayaa amray guddiga dhamaytirka barnaamijka deyn cafinta in ay laba jibbaaraan dadaallada ayna ku taagnaadaan qorshaha dalka daynta looga cafinayo si loogu diyaar garoobo horumar la taaban karo oo ay  Soomaaliya ku tillaabsato.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close