Wararka
Ra’iisal wasaaraha dalka Ingiriiska Theresa May oo sheegtay in ay xilka iska casili doonta 7da bisha soo socota ee Juun.
Ra’iisal wasaaraha dalka ingiriiska Theresa May ayaa maanta oo jimca ah ku dhawaaqday in ay xilka iska casili doonta 7-da bisha soo socota ee Juun iyadoo xisbiga ay hogaamisa ee Konserfatifka u sheegtay in ay wadada u baneeyaan hogaamiya cusub oo isku dayi kara in wado ka bixitaankii Biriteen ee Yurub.
“waxaa hadda ii cad in ay tahay waqtigii ugu ficnaa ee dalka uu yeelan lahaa ra’iisal wasaare cusub si uu u hoggaamiyo dadaalkaas. Sidaas darteed waxaan maanta ku dhawaaqayaa anigoo ah hogaamiyaha Xisbiga Konserfatifka inaan iska casilayo maalinta Jimcaha 7-da June,” may ayaa tiri.