Wararka

Dowlada Soomaliya oo dalka Aljeeriya kaga qayb gashay shir muhiim ahaa.

Magaalada Aljeris ee caasimada dalka Aljeeriya ayaa waxaa lagu qabtay Shirkii 3-aad oo ay yeeshaan Booliiska Afrika ee loo yaqaano (Afripol) waxaana dowlada Soomaaliya shirkaasi ugu qayb galay S/guuto Dr. Axmed Cali Abuukar wuxuuna sheegay in kulankaasi looga arrin san doona arrimaha ammaanka iyo sidii la isaga kaashan la dagaalanka dembiyada Abaabulan.

Shirka Booliiska Afrika ee Afripol waxaa kasoo qayb galay saraakiil booliis ah kuwaas oo oo ka kala socotay ilaa 33 dal oo ka tirsan Qaaradda Afrika waxaa ayna dhamaantoot  soo bandhigeen aragtiyo kaladuwan oo ku aadan habka ugu wanaagsan oo laamaha ammaanka Afrika ay u sameyn karaan iskaashi ballaaran.

Gebagebada shirkaasi ayaa waxaa la isku raacay in Amniga Qaarada Africa muhiimad gaar ah la iska saaro,lagana shaqeeyo iskaashiga iyo Horumarinta Ciidamada Booliska Qaarada Africa.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close