maanta oo kale sanadkii 1943 ayaa la aas-aasay Ururka Dhallinyarada soomaaliyeed ee syl oo ujeedkoodu uu ahaa helida gobanimo dhameytiran
13-dhalinyaro ayay ka koobnaayen kuwaas oo da’doodu ay u dhaxeysay 15-21 sano jir.
waxaana ay kala ahaayeen
C/qaadir Sheekh Saqaawadiin,.
Max’ed Xirsi Nuur {Siidii},
Yaasiin Xaaji Cismaan
Sharma’arke, Xaaji
Maxamed Xuseen Max’ed ,
Cismaan Geedi Raage,
Dheere Xaaji Dheere ,
Daahir Xaaji Cusmaan ,
Cali Xasan Maslax
Maxamed Cali Nuur
Maxamed Faarax Hilowle ,
Xaaji Maxamed C/llaahi {Xayeesi} ,
Huudoow Macalin Cabdulle ,.
Maxamed Cusmaan Baarbe .
ka hor inta uusan soo shaacbixin magaca syl waxaa ururka la oran jiray syc si loo mari habaabiyo gumesytaha oo xilligaas aad u caburinayay in madaxbaani ay hesho soomaaliya.
xilli habeena sanadkii 1947 ayaa si rasmi ah magaca looga bedelay ururka syc iyadoo ururka loo bixiyay syl munaasabad qarsoodi aheyd oo lagu qabtay guri ku yaalla wadada via roma ee degmada sida ay taariikyahanadu xuseen.
isla habeenkaas yaasiin xaaji cismaan ayaa dhalinyarada soo hor dhigay barnaamij siyaasadeedka ururka syl oo ay qodobadiisu ka mid ahaayeen\
1-In Soomaali wayn la isu raadiyo,
2-in la xaqiijiyo gobanimada iyo madaxbanaanida iyo
3- in dadka wax la baro
habeenkaas waxa uu ururku doortay gudoomiye,gudoomiye ku xigeen iyo xoghaye.waxaana gudoomiye loo doortay c,qaadir sheekh saqaawadiin halka ku xigeen loo doortay Xaaji Maxamad Xuseen iyadoo
-Yaasiin Xaaji Cismaan loo doortay Xoghayaha guud ee ururka.
intaas ka dib waxa uu barnaamijkiisa ku baahiyay gobolada dalka halkaas oo uu taageero badan ka helay qeybaha kala duwan ee bulshada sida culumu;adiinka,aqoonyahanada,odayaasha,haweenka iwm.
xanuun lama filaan ayaa ku yimid xoghayaha xisbiga oo markaas uu ahaa yaasiin xaaji cismaan waxaana uu dardaaran ku bixyay in xilkaas loo dhiibo c,llaahi ciise maxamuud oo qeyb ka ahaa ururka
dagaalo loo galayo gobanimada ayuu ururka ka qeyb qaatay sida dagaaladii hanoolaato iyo dgaxtuur kuwaas oo kala dhacay 11-janaayo 1948-iyo 5-tii bishii oktoobar 1949-kii.
bishii september sanadkii 1949-kii c,llaahi ciise maxamuud ayaa ka qeyb galay fadhiga guud ee golaha amaanka ee qaramada midoobay si uu u cabiro mowqifka leegada.
21-november 1949 ayay golaha amaanka ee qaramada midoobay isku raaceen in soomaaliya la galiyo 10-sano maxmiyad ah oo ay xubno ka socda qaramada midoobay korjoogto ka yihiin.
bishii apriil 1950-kii ayuu maamulkii talyaaniga si rasmi ah ay ugu bilaabatay 10-kii sano waxaana wehlinayay guddi ka socday dalalka masar, philipinne iyo colombiya oo ay soo dirtay qaramada midoobay si ay ula socdaan dhaq-dhaqaaqa talyaaniga ee 10-sano.
waxaa soo dhoweyneysa rajada ay shacabka soomaaliyeed ka qaben in ay gobanimo helaan waxaana sanadkii 12-kii oktoobar 1954 la taagay calanka soomaaliya iyadoo uu naqshadiisa lahaa allaha u naxariistee maxamed cawaale liibaan.
26 june 1960 ayay si rasmi ah xornimada u heleen gobolada waqooyiga ee dalka todobaad ka dibna 1-dii luulyo 1960 waxaa dhismay jamhuuriyadda soomaaliya oo ay ku midoobeen gobolada waqooyi iyo koonfur.
dalka waxa uu galay nidaam ay doorasho iyadoo guud ahaan dooroshooyinkii dhacay 1954-tii ilaa 1969 ay ku guuleysteen xisbigii syl.
taariikhada ayaa xustay in doorasho dimoqraadi ah oo ah tii ugu horeysay ee afrika ka dhacda lagu qabtay soomaaliyaa markaas oo uu c,rashiid cali sharmaarke xilka kala wareegay madaxweyneynihii ugu horeeyay ee soomaaliya aadan cabdulle cismaan ( aadan cadde).
76-sano ayaa ka soo wareegataysanad guuradii asaaskii xisbigii xornimada doonka ahaa ee SYL sidaasi darted waxaa xusid muddan in mar walba aan xusno geesiyadii naftoodda u huray xornimadda maanta aynu haysano.