Wararka
Guddiga Shuruucda Golaha Wakiillada Puntland oo warbixin siiyay Golaha Wakiillada DPL.

Guddoomiyaha Guddiga Shuruucda & Caddaaladda Golaha Wakiillada Puntland Xildhibaan Cabdiqani Abshir Jaamac oo ay wehliyaan xubnaha Guddiga Shuruucda & Caddaaladda ayaa kulan la qaatay Guddoomiyaha Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland ee TPEC Guuleed Saalax Barre iyo xubno ka tirsan Guddiga KMG Doorashooyinka.
Kulanka oo ka dhacay xarunta Golaha Wakiillada Puntland ayaa ujeeddadiisu ahaa kala war-qaadasho iyo is xog-wareysi dhex marta labada dhinac.
Guddiga Shuruucda & Caddaaladda Golaha Wakiillada Dawlad goboleedka Puntland ayaa ka dhageystay Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland ee TPEC warbixin dheer oo ku saabsan wax-qabadkoodii tanyo markii ay Golaha Wakiillada DPL Xasaanadda siiyeen bishii November 16, 2019.