Wararka

Golaha amaanka ee qaramada midoobay oo kulan gaar ah ka yeeshay xaalada amni ee soomaaliya.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa kulan gaar ah ka yeeshay Xaalada Amniga, Siyaasada Iyo Dhaqaale ee Soomaaliya.

kulankooda ayaa Golohu Waxa ay Kaga  hadleen doorashooyinka Soomaaliya ee 2021, waxayna Xukuumadda, Baarlamaanka iyo maamul goboleedyada ka codsadeen inay dedejiyaan Xeerka doorashooyinka oo ay ugu dambeyn soo gudbiyaan bartamaha sanadkan 2019.

Golaha ayaa isku raacay in muddo kordhin sanad ah loo sameeyo Xafiiska Qaramada Midoobey ee UNSOM, iyagoo isla meel dhigay inuu sii shaqeeyo ilaa 31-da Maarso sanadka soo socda ee 2020.

Sidoo kale Golaha Ammaanka ayaa ka codsaday dalalka Caalamka in Ciidamada Soomaalida iyo AMISOM in la siiyo wax kasta oo u suura gelin kara inay ka adkaadaan Xarakada Al-sabaab .

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobey Danjire Abuukar Baalle ayaa xubnaha Golaha Ammaanka ka hor-jeediyay warbixin ka hadleysay xaalada Soomaaliya, isagoo ka warbixiyay horumarada u dambeeyay ee dowladda sameysay.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close