Wararka
QM oo ku baaqday in la taageero Qaxootiga iyo Barakacayaasha ku sugan Soomaaliya.
Iyadoo maanta loo dabaal-degayo Maalinta Qaxootiga Adduunka, waxa uu Ergayga Gaarka ee QM ugu qaabilsan Arrimaha Somalia, James Swan ku baaqay in la ilaaliyo guulihii laga gaaray yareynta dhibaatada haysata Qaxootiga ku sugan gudaha Soomaaliya.
Qoraal uu James Swan ku soo beegay Maalinta Qaxootiga Adduunka ee maanta laga xusayo Caalamka waxa uu xusay inay QM qirayso dadaalada DFS ee lagu horumarinayo xaalladda dadka Barakacayaasha, xilli uu dalku xoogga saray Ka-hortaga COVID 19.
Dhinaca kale, Wakiilka Hay’adda QM u qaabilsan Arrimaha Qoxootiga (UNHCR) u jooga Somalia, Johann Siffointe ayaa sheegay inay Maalinta Qaxoontiga Adduunka ee sanadkan ku soo beegantay waqti ay Soomaaliya ka jirto khatar saddex-geesood ah – ka-sokow aafada COVID-19 waxaa lala tacaalaayaa la-dagaallanka ayaxa iyo fatahaado.
Waxa kale oo uu sheegay inay gudaha Somalia ku sugan yihiin in ka badan 30,000 oo Qaxooti iyo Magangelyo-doon ah, kuwaasi oo badankooda ka soo jeeda dalalka Ethiopia iyo Yemen, isla markaana ay jiraan ugu yaraan 2.6 million oo qof oo Soomaali oo iyagana ku barakacay gudaha Soomaaliya.
Qoraalka ka soo baxay Xafiiska Ergayga Khaaska ee QM ugu qaabilsan Arrimaha Somalia waxaa kaloo lagu xusay in ku-dhawaad 800,000 oo Qaxooti Soomaali ah weli ku sugan yihiindalalka Geeska Afrika, inkastoo ay sanadihii dambe hoos u dhacday Tiradooda, sababo la xiriira Horumarka Somalia ka gaartay Nabadda iyo Amniga.
Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga ee UNHCR ayaa la sheegay inay in ka badan 90,000 oo Qaxooti Soomaali ah ka taageereen sidii ay dib ugu soo laaban lahaayeen dalkooda Hooyo, iyadoo aan lagu khasbin dib-u-noqashadaasi.
Si kastaba ha ahaatee, Hal-ku-dhega Munaasabadda Maalinta Qaxootiga Adduunka ee sanadkan ayaa laga dhigay Oraahdan: “Qof kasta Isbedel ayuu samayn karaa, Tallabo kastana qiimaheeda ayey leedahay”.