Wararka
Qaxooti Isugu jiro Soomaali iyo Yemaniin oo kusoo gaaray Boosaaso.

Waxaa Dekada Wayn Ee magaalada Boossaaso Galabta soo gaaray kudhawaad 100 qof Oo Iskugu Jira Soomaali dalka dib ugu soo laabtay Laabtay Iyo Qaxooti U Dhashay Dalka Yemen.
Howl wadeenada Wasaaradda Arrimaha Gudaha dowlad goboleedka Puntland U Qaabilsan Qaabilida iyo Soo Dhawaynya Qaxootiga Iyo Dadka Soomaaliyeed Ee Kasoo Qaxaaya Colaada Dalka Yemen ayaa dadkaan kusoo dhaweeyay dekeda Magaalada Boosaaso.
Dalka yeman oo ay kasocdaan Colaado Sokeeya ayaa waxaa ka jirta xaalad noolal xuma waxaana dadka ku nool gudaha dalka Yeman ay u magan galya doontaan dalalka dariska la ah dalkaasi sida Soomaaliya iyo kuwa kale oo Africa kamid ah.