Wararka

Qasaaro ka dhashay dab ka dhax-dhashay Tariin (Train).

Dad badan ayay waxyeelo naf iyo maal isugu jirto kasoo gaartay kadib markii uu maanta dab ka dhashay Gaas gaas uu hareeyay Tariin ku safraayey bartanaha dalka Pakistan waxaana ilaa iyo hadda la xaqiijiyay in dabkaasi ay ku dhinteen 65-ruux halka in ka badan 45 ruux uu dhaawac kasoo gaaray.

Shilkaasi ayaa maanta  ka dhacay agagaarka deegaanka Liaquatpur, oo 150-km u jirta magaalada Multan, sida uu xaqiijiyay Wasiirka Gaadiidka Tareenada Sheikh Rashid Ahmed.

Dabka ayaa dhacay markii dad rakaab ah ay isku dayeen in ay qurac ku sameystaan foornada lagu qaato gacanta ee ku shaqeysa gaaska,halkaasi oo qarax ka dhashay uu sababay dab ku faafay gudaha Tareenka.

Tareenka ayaa siday rakaab ka yimid koonfurta magaalada Karachi ,kuna socday Rawalpindi, waxaana dadkii uu soo gaaray   dhaawaca daran ee gubashada loo diyaariyay diyaarado Herikobtar ah oo lagu geeyo cisbitaalada la tacaala dabka.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close