Wararka

Qaraxyo ka dhacay kaniisado iyo hoteello ku yaal dalka Sri Lanka.

Qaraxyo ayaa ka dhacay kaniisado iyo hoteello ku yaal dalka Sri Lanka waxaana lagu soo waramayaa in ay ku dhinteen Ugu yaraan 137 tiro kalena ay ku dhaawacmeen.

Xilli lagu guda jiro ciidda Masiixiga ee Easter ayaa waxaa dalkaas maanta ka dhacay Ilaa lix qarax oo qasaara ba’an gaystay.

Saddex qarax oo kale ayaa lagu soo waramayaa in ay ka dhaceen hoteellada Shangri La, Cinnamon Grand iyo Kingsbury oo dhammaantood ku yaal bartamaha magaalada caasimadda ah ee Colombo.

Ilo wareedyo ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in ugu yaraan 80 qof oo dhaawac ah la dhigay isbitaallada Colombo.

Madaxweynaha dalkaasi Maithripala Sirisena ayaa warbixin qoraal ah oo uu soo saaray waxa uu shacabka ka codsaday in ay is dejiyaan oo ay baaritaannada ka caawiyaan laamaha ammaanka.

Wasiirka maaliyadda ee Sri Lanka Mangala Samaraweera ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter waxa uu ku sheegay in weerarradani ay u muuqdaan kuwo aad loo soo qorsheeyay oo looga gollahaa dil, jahawareer iyo xasilloonidarro. Waxa uu intaa ku daray in weerarradaasi lagu laayay dad badan oo aan waxba galabsan.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close