Wararka
Qarax ka dhacay Gobolka Shabellada Hoose (AKHRISO).
Muqdisho (tusmotv.so) – Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax ka dhacay Gobolka Shabeellaha Hoose, kaasi oo lala eegtay kolonyo la socotay Guddoomiyihii Gobolkasi Gobolka Shabeellaha Hoose oo ku wajahnaa degaanka Walna-weyn.
Qaraxaas ayaa waxaa kolonyada uu ku qabsaday deegaan lagu magacaabo Tixsiile oo ku yaalla wadada xiriirsa degmada Afgooye iyo Walna-weyn.
Marka laga tago aagga uu qaraxa ka dhacay wali dowlada iyo maamulka gobolka Shabeellaha Hoose kama hadlin qasaaraha saxda ah ee soo gaaray ciidamada xogga dalka ee la socday guddoomiyaha.