Wararka
Qarax ka dhacay Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan.

wararka inaga soo gaaraya degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in qarax mino lala egtay ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM gaar ahaan kuwa Jabuuti.
qarax ka dhacay degmada ayaa la sheegay in uu dhacay iyadoo ciidanka Jabuuti ay dalbadeen in la damiyo Xarunta isgaarsiinta Hormuud ay ku leedahay degmadaasi Balse ay diideen Ciidanka Booliska Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan.
Faarax Aadan oo ka tirsan saraakiisha ciidamada Dowlada Soomaaliya ee Degmadaasi oo waraysi gaarga siiyay Talifashinka TUSMOTV ayaa sheegay in aysan khasaaro soo gaarin ciidamadii lala eegtay Qarax Balse ay iyagu soo weerareen Saldhiga Booliska Degmada Halkaasi oo ay ka dhacday is rasaasen dhex martay Booliska Iyo ciidanka AMISOM gaar ahaan kuwa Jabuuti.
Sarkaalkaan ka tirsan ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa dhanka kale waxaa uu sheegay in maalmhii lasoo dhaafayba ay degmada ka jirtay khilaaf u dhaxeeya AMISOM iyo Booliska oo Garab ka helaya shacabka Degmada.
uga dambeyn waxa uu sheegay in hada xarunta maamulka degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ay iskuga yimaadeen maamulka degmada iyo saraakiisha AMISOM kuwaasi oo ka wada hadlaayo Xalinta xiisada Taagan.