Wararka
Qarax ka dhacay Buunda ku taala Addis Ababa.

Sida aan ka soo xiganay wakaalada wararka ee Reauter, hal ruux ayuu dhaawac ka soo gaaray qarax maanta oo arbaca ah ka dhacay buunda marta magaalada Addis Ababa ee casimada Ethopia.
Lama cadeyn in Qaraxaasi uu lug ku leeyahay khilaafka ka dhex aloosan xukuumada Addis Ababa iyo maamulka Qoomiyada Tigreda.
Sarkaal u hadlay ciidamada Boliska Ethopia oo la hadlay Reauter ayaa sheegay in ruuxa ay waxyeelada soo gaartay uu waayay lugtiisa.
Ethopia, Waxaa ka soconaayo dagaal u dhaxeeyo ciidama daacad u ah maamulka Tigreda ee gobolka Waqoooyiga Ethopia iyo ciidamada federaalka Ethopia.
Abiy Axmed oo ah hoggaamiyaha ugu da’da yar qaaradda Africa haystana Biladda Abaal Marinta Nabada Aduunka ayaa amray in ciidamada Federaalku dagaal ku qadaan TPLF 4 tii bishaan November kadib sida uu sheegay markii ay TPLF weerar ku soo qaadeen saldhig ay daganaayeen ciidamada Militariga dalkaasi.
Saraakiil ciidan oo ka tirsan Maamulka Amharada oo la safan dhanka ciidamada dowlada Ethopia ayaa isla wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in ku dhawaad 500 oo askari looga dilay TPLF Magaalada Kirakir. Sidoo kale saraakishaan ayaa sheegay in boqolaal askar ah dowlada looga dilay magaalada Dansha oo ku taal xaduuda Tigrayga iyo Amxaarada oo ah xudunta dagaalka ka aloosan Ethopia.
Gadaalkaan ayaa dhaawac u gaysan doona dhaqaalaha dalkaasi Ethopia oo soo koraayay kaas oo hoy u ah 110 Malayun oo dad ah.
Ilaa iyo 200,000 oo qaxooti ah ayaa looga cabsi qabaa in uu gaaraan dalka dariska la ah ee Sudan. 6,000 oo ruux ayaa hadda garay xaduud Sudan iyo Ethopia.